Musharaxa madaxweyne ku xigeen ee isbaheysiga Kenya Kwanza Rigathi Gachagua iyo musharaxa xilka barasaabka ee Ismaamulka Mombasa Mike Sonko ayaa ka mid ah hoggaamiyayaal shan iyo labaatan ah oo isbaheysiga qaran ee daacadnimada uu doonayo in laga mamnuuco in ay kuraas siyaasadeed uu tartamaan doorashada guud ee dhaceyso sanadkani .
Magacyada hoggaamiyayaashani ayaa daboolka laga qaaday manta si loogu hor istaago in ay uu tartamaan kuraas siyaasadeed .
Hoggaamiyayaasha kale oo isbaheysigan uu doonayo in laga hor istaago doorashada ayaa kala ah barasaabka Ismaamulka Kirinyaga Ann Waiguru, Musharaxa xilka barasaabka ee Ismaamulka Mombasa Aisha Jumwa, xildhibaanka bariga deegaanka Embakasi Babu Owino, barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Evans Kidero , xildhibaanka deegaanka Kapseret Oscar Sudi, barasaabka ismaamulka Busia Sospeter Ojaamong, barasaabka Ismaamulka garissa Ali Korane, barasaabka ismaamulka Lamu Fahim Twaha, barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi Muthomi Njuki iyo xildhibaanka deegaan barlamaaneedka Emurrua Dikir Johanna Ng’eno.
Hay’adaha doonayaan in siyaasintani aanu soo sheegnay laga mamnuuco in ay uu tartamaan kuraas siyaasadeed ayaa kala ah Inuka Kenya Ni Sisi!, Mzalendo Trust, The Institute for Social Accountability (TISA), iyo Kenya Human Rights Commission (KHRC).