Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC oo laalay amar uu horay usoo saaray

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa laalay amarkii uu soo saaray ee ahaa in xisbiyada siyaasada ay u hogaansamaan mabda’a guud ee dastuuriga ah ee ah in  saddex meelood labo meel uu hal jinsi noqdo marka ay xisbiyada bixinayaan tikedhyada kahor  doorashada bisha Ogosto.

Also Read
Musalia Mudavadi ayaa ugu baaqay dadka degan Lang’ata ineey soo doortaan musharaxiinta Xisbiga Kenya Kwanza

Tani ayaa daba socotaa go’aan ay maxkamad sare ka gaartay kiiskii Adrian Kamotho Njenga uu ka gudbiyay guddiga IEBC kaasoo hakiyay dhaqangelinta sharciga jinsiga ee saddex meelood labo meel.

War-saxaafadeed kaso baxay  IEBC ayaa lagu sheegay in xisbiyada siyaasadda ay boqolkiiba 98 u hoggaansameen mabda’a jinsiga iyada oo  68 ka mid ah 69-ka xisbi siyaasadeed ay u hoggaansameen sharciga.

Also Read
Iskuulka sare ee Kakamega oo ilbaabada loo laabay .

Dhanka kale, IEBC ayaa sheegtay in xaqiijinta diiwaanka codbixiyayaasha oo soo bilaabatay 4-tii May ay socon doonto muddo 30 maalmood ah.

Also Read
Uhuru Kenyatta oo balanqaaday mideynta shacabka.

IEBC ayaa sheegtay in Ilaa hadda 506,190 codbixiye ah ayaa xaqiijiyeen diiwankooda.

Guddiga ayaa cod bixiyayaasha ka codsaday  in ay xaqiijiyaan xogtooda iyaga oo booqanaya xarumaha ay iska diiwan geliyeen si ay u xaqiijiyaan xogtooda biometirika ah

  

Latest posts

Booliska oo gacanta ku soo dhigay gaari laga xaday dowladda

Iftiin FM Reporter

Dowladda oo howlgal hub ka dhigis ah ka sameyn doonto galbeedka Marakwet

Iftiin FM Reporter

Raila Odinga oo la kulmay dadka Curyaaminta ee dalka

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi