Guddiga Waxbarashada jamacaadaha ee CUE ayaa ka laabtay go’aankii uu ku diiday in uu ku aqonsaado Shaahadada degree-ga ee senetarka ismaamulka Nairobi ee jaamacada Team ee Uganda Xili uu weli soocdo baaritaano ku aadan sax ahaanshaha degree-gaasi.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu Sakaja Maxkamada dhigay kiis ka dhan ah guddomiyaha guddigaasi Prof. Chacha Nyaigoti-Chacha kaasi oo uu ku eedeeyay in uu iska dhaga tiray amarka Maxkamada.
Dukumentiyo loo gudbiyay maxkamada ayuu Sakaja ku eedeeyay Chacha in uu muujiyay quursi, ixtiraam la’aan iyo in uu diiday addeecista awaamiirta maxkamada taasoo si ku meel gaar ah u hakisay go’aanka CUE.
Isbuuci aynu soo dhaafnay ayuu guddiga CUE warqad uu u qoray Sakaja Waxaa uu ku sheegay in uu ka laabtay aqoonsiga shahaadadiisa kadib markii sida uu guddiga sheegay ay soo gareen eedeymo ka dhan ah degree-gaasi.
Prof Chacha ayaa Jimcihi Sakaja ku amray in uu guddiga uu keeno dhowr cadeymo oo muujinaya in uu shahadadaasi ay sax tahay.
Waxaa lagu waday inuu soo bandhigo dukumeentiyada isniinta balse waa uu diiday