Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo booqday degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayeen Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ayaa  waxay booqdeen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo degaano hoostaga ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Xildhibaan Maxamed Buraale oo katirsan Golaha Shacabka kana mid ah wafdiga ayaa carabka ku dhuftay   inay xal ka gaareen dilal annoying qabiil ah oo waayadaan kajiray duleedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Also Read
DEG DEG: Qaramada Midoobay oo ka digtay musiibo kus oo wajahan Badda Cas

“Waxaan gaarnay Degmada Matabaan anagoo u tagnay xalinta shaqaaqo ay ku dhinteen 4 ruux nawaaxiga Matabaan, dilalkaas haddii ay sii socdaan oo culeys ku noqon kara howlaha xoreynta Alshabaab, nasiib wanaag waxey ku soo dhamaatay is af garad lagu dhameeyay dilalkii dhacay.

Also Read
Dorosho ka dhaceysa Gobolka Tigreeda ee dalka Itoobiya

Wuxuu Xildhibaanka u mahad celiyay si guud masuuliyiintii kawada qeyb qaatay xalinta dilalkii dhacay, si gaar ah ugu mahad celiyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo qaatay masuuliyadii waxii dhacay oo dhan.

Also Read
Recep Tayyib Erdogan oo ka hadlay khilaaf Turkiga iyo Israel.

“Beelahaas walaalaha ah oo beryahaan dagaalka hal saf kuwada jira markii ugu horeysay muda 30 sano ah kadib waxey keeneysaa in laga guul gaaro xoreyntaa deegaanadooda ayuu yiri” Xildhibaanka.

 

  

Latest posts

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo hadlay weerarradii qaraxyada ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne.

Iftiin FM Reporter

Ciidanka Xoogga soomaliyeed oo si buuxda ula wareegeen deegaanka Yasooman

Iftiin FM Reporter

Ayatollah Ali Khamenei oo farta ku fiiqay Mareykanka iyo Israa’iil

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi