Hogaamiyaha xisbiga ANC, Musalia Mudavadi ayaa ugu baaqay dadka degan Lang’ata ee ismaamulka Nairobi in ay doortaan musharaxiinta isbaheysiga Kenya Kwanza ee uu tartamaya kuraasta doorashada guud ee ismaamulka Nairobi.
Hogaamiyaha xisbiga ANC, Musalia Mudavadi oo ka tirsan madaxda isbaheysiga Kenya Kwanza ayaa kulan la yeeshay ganacsatada yar yar ee ka soo jeeda deegaanka Lang’ata ee ismaamulka Nairobi.
Mudane Musalia Mudavadi ayaa sheegay in isbaheysiga Kenya Kwanza uu kheyraad badan ku bixin doono kobcinta dhaqaalaha iyo shaqa abuur.
Kulankan oo sidoo kale lagu doonayay in loogu durbaan tumo musharaxa u tartamaya kursiga xildhibaan ee deegaanka Langata Nixon Korir ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa hogaamiyaha xisbiga Ford Kenya Moses Wetangula.