Ciidamada iyo saraakiisha xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa la soo sheegaya in howgallo qorsheysan ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Howlgalkani ayaa waxaa si gaar ah uga fuliyeen tuulooyin u dhow deegaanka janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida Tuulooyinka Busleey iyo Buulo Aluundi.
Saraakiisha guutada 14-ka oktoobar xoogga dalka Soomaaliyeed ayaawarbaahinta uu sheegay in howlgalka ay ku dileen 7 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Ugu dambeyn kiisha guutada 14-ka oktoobar xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada ay soo socon doonaan ilaa iyo inta tuulooyinka u dhow degaanka Janaale ay ka saarayaan Al-Shabaab.
Inta badan degmooyinka iyo degaannada Gobolka Shabeellahoose ayay Cidamada dowladda ka fuliyaan howlgallo kala duwan, hayeeshee mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.