In ka badan 219,000 oo qof oo ku nool ismaamulka Kilifi ayaa lagu soo waramaya in ay saameysay gaajo iyo macluul

In ka badan 219,000 oo qof oo ku nool ismaamulka Kilifi ayaa lagu soo waramaya in ay saameysay gaajo iyo macluul isla markana  u baahan cunto gargaar degdeg ah, kadib abaartii daba dheeraatay ee ku dhufatay ismaamulkaasi iyo qeybo kale oo ka tirsan gobolka.

Also Read
Ayax ku habsaday degmooyin ka tirsan Ismaamulka Mandera .

Wararka ayaa sheegaya in in ka badan 20,000 oo xoolo ah ay sidoo kale ku dhinteen abaarta, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladdu ay ka sii darto bisha soo socota haddii aan roob la helin.

Also Read
Dowladda oo ka hadashay kabaha la soo dhoofiyo.

Maamulaha Ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya u qaabilsan maamul goboleedka Kilifi Cornel Ndombi ayaa sheegay in xaaladda abaarta ay ka sii darayso maalinba maalinka kasii dambeeya.

Maamulaha Ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya u qaabilsan maamul goboleedka Kilifi Cornel Ndombi ayaa sheegay in deeganka Ganze ay soo gaartay saameynta ugu badan ee abaarta isla markana ay soo racaan deeganada kale ee kala ahKaloleni, Magarini, Rabai, Malindi Kilifi South, and Kilifi North.

  

Latest posts

Dr.William Ruto oo ka hadlay horumarka uu gaarsiin doono ismaamulka Marsabit

Iftiin FM Reporter

Bandow lagu soo rogay ismaamulada Baringo, Elgeyo Marakwet and West Pokot.

Iftiin FM Reporter

Isbaheysiga Azimio la Umoja-One Kenya oo olole siyaasadeed ku qabtay gobolka Mount Kenya

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi