Iskuulka sare ee Kakamega oo ilbaabada loo laabay .

Waxaa manta ilbaabada loo laabay iskuulka sare ee Kakamega kadib markii xabsiga la dhigay 16 ardey oo dhigtaan iskuulkaasi .

Ardeydani ayaa lagu eedeyey in ay ku lug lahaayeen dab  xoogan oo saakeyto ka kacay iskuulka gudahiisa halkaasi oo labo guri oo ay ardeyda saxdan ay gubteen .

Go’aanka lagu xiray iskuulkani ayaa lagu gaaray kulan ay maanta yeesheen  guddiga iskuulkaasi sida uu ka dhawaajiyey maamulaha iskuulkaasi sare ee Kakamega Gerald Orina.

Taliyaha booliska ee Ismaamulka Kakamega  Hassan Barua ayaa xaqiijiyey  in ardeydani la xiray  halka ay baaritaano dheeraad ah ay socdaan .

Ardeydani ayaa lagu haya  saldhiga booliska ee KaKamega .

Dhanka kale waxaa manta  dab la qabadsiyey  iskuulka sare ee wiilasha ee Mbakini  gudaha Ismaamulka Machakoes  halkaasi oo aad ku gubtay mid ka mid ah guryaha ay ardeyda saxdaan 

  

Latest posts

Guddiga Qaran ee sinnaanta Jinsiga oo baaq uu diray Warbaahinta

Iftiin FM Reporter

Dr .William Ruto oo manta isu soo bax siyaasadeed ku qabtay Ismaamulada Isiolo iyo Marsabit

Iftiin FM Reporter

Raila Odinga oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Musuqa Maasuqa

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi