Jimi Wanjigi oo ah Musharaxa Kursiga Madaxtinimada oo weerar kala kulmay magaalada Migori.

Isku soo bax uu ismaamulka Migori ee gobolka Nyanza ku  qabtay Musharaxa Kursiga Madaxtinimada ee Xisbiga ODM Jimi Wanjigi ayaa  Maanta la carqaladeeyay kadib markii ay dhalinyaro careysan dhagxaan la dhaceen kolonyo gawaari ah oo uu Musharaxa la socday.

Also Read
313 bukaan oo Maanta kaso bogsooday Cudurka Covid-19

Wanjigi oo Tiketka Xisbiga ODM kula tartamaya hoogaamiyaha Xisbiga ODM Raila odinga ayaa ka baxsaday goobta kadib markii ay shacab careysan kuso xomeen.

Qaar kamid ah Xubnaha Xisbiga Odm ayaa Wanjigi ku eedeeyay in uu  olalihiisa uga gol leeyahay in uu Magaca uga haleeyo Hoogaamiyaha Xisbiga ODM Riala odinga.

Also Read
Tallaalka  Johnson and Johnson oo la geynaya Gobolka Waqooyi Bari.

Wanjigi ayaa isku dayay in uu la hadlo shacab xili uu gaarigiisa ku dhex jiray balse la kulmay weerar iyo aflagaado taasi oo keentay in uu goobta iskaaga baxsado.

Also Read
Kenya:20 Bukaan oo Maanta uu dhintay Cudurka Covid-19

Khamistii laso dhaafay ayaa sido kale lagu weeraray ismaamulka Homa Bay halkaasi oo uu markii dambe ka baxsaday

  

Latest posts

Kenya oo laga helay kiisas badan oo Cudurka corona .

Iftiin FM Reporter

Raila Odinga oo ku baaqay in maalgashi lagu sameeyo waaxda Xoolaha .

Iftiin FM Reporter

Dagaal ka dhacay tuulo ku taalo Samburu.

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi