Kalonzo Musyoka oo ka hadlay Guushii uu gaaray Dr William Ruto

Kalonzo Musyoka oo kamid ah hogaamiyaasha sarsare ee isbaheysiga Azimio La Umoja One Kenya  ayaa sheegay in caalamka uu hada isha ku hayo kenya kadib markii uu mushaarixii Madaxweynaha ee isbaheysigooda Raila Odinga uu qaadicay natijada doorashada.

Kalonzo oo saxaafada kula hadlayay Xarunta Kenyatta International Convention Center – KICC  kadib kulan uu shir guddomiyay Odinga oo ay la qaateen hogaamiyaasha laso doortay ayaa sheegay in isabheysiga uu Maxkamada uu gudbin doono kiis ka dhan ah doorashada.

Kalonzo ayaa sido kale sheegay in isbaheysiga uu bilaabay wada tashi ku aadan Xilaalka kala duwan ee barlamaanka iyo aqalada hoose ee ismaamulada.

Kuxugeenka Musharaxa Madaxweyne ee Azimio Martha Karua,  ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay in maxkamada ay daaqada ka tuuri doonto guusha William Ruto.

Waxaa ay hogaamiyaasha laso doortay ugu baaqday in ay ka faideystaan tiradooda badan isla markana uu ololeyaan ajeendaha isbaheysigooda.

Kulankan ayaa waxaa kaso qayb galay xildhibaanada,senetarada iyo gavanarada laso doortay ee katirsan isbaheysiga azimio la Umoja.

  

Latest posts

Barasabka ismaamulka kwale Fatuma Achani oo ka hadashay abaarta ka jirta deegaanada Ismaamulkaasi

Iftiin FM Reporter

Uurka gabdhaha iskuuleyda oo ku batay Ismaamulka Narok

Iftiin FM Reporter

Meydadka askartii lagu dilay weerarkii ka dhacay Ismaamulka Turkana oo la aasay

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi