Madaxeyne Uhuru Kenyatta oo safar shaqo uu aaday dalka Imaaraadka Carabta ayaa wadahadalo wax ku ool ah la yeeshay boqorka dalka Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed Bin Zayed Al Nahyan, wadahadaladasi oo ku saabsan xirriirka ganacsi ee labada dalka.
Wadahalada ganacsi ee dhex maray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo boqorka dalka Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed Bin Zayed Al Nahyan ayaa ka dhacay aqalka Sea Palace ee dalkasi.
Madaxweynaha oo maanta ka hadlayay shirka ganacsiga ee Kenya iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka ee Dubai, ayaa sheegay in si weyn loo soo dhaweyn doono maalgashadayaasha qaybaha muhiimka ah sida beeraha, tamarta, ICT, daryeelka caafimaadka, dhaqaalaha buluugga ah, iyo adeegyada kale ee Muhiimka ah.
Dhanka kale Madaxweynaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha (KNCCI) Richard Ngatia ayaa iftiimiyay in Kenya ay tahay marin muhiim ah oo laga galo suuqa Afrika iyadoo loo marayo heshiiska ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).
Ngatia ayaa golaha iskaashiga khaliijka ee GCC ku booriyay in ay Malgashi ku sameyaan kenya.
Waxa uu xusay in Dekedda Mombasa ay u tahay xarun muhiim u ah gobolka oo dhan, sida dalalka aan badda lahayn ee Uganda, South Sudan, Rwanda, iyo Burundi.