Dawladda Kenya ayaa horumarinaysa istaraatiijiyadda ganacsiga ee E-Commerce si kor loogu qaado fursadaha dhaqaale ee dalka Kenya kuwaasi oo taageeraya hadafyada istaraatiijiyadeed iyo Hiigsiga 2030-ka ee dowladda dalka Kenya.
Wasiirada wasaarada warshadeynta iyo horumarinta ganacsiga, Betty Maina ayaa sheegtay in dowladda ay ogsoon tahay in ganacsiga elektarooniggada ee xirfadaha dhijitaalka ah ay tahay aasaaska kobaca dhaqaalaha.
Wasiir Betty Maina ayaa sheegtay in ganacsatada dalka looga baahan yahay in ay u diyaar garoobaan ka faa’iidaysiga ganacsiga elektaroonigga ee lagu soo bandhigay aagga ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika ee AfCFTA kaasi oo ganacsatada siinaya suuq lagu qiyaasay in ka badan 1.2 bilyan oo qof.