Kenya oo laga helay kiisas badan oo Cudurka corona .

Dowladda dhexe ee dalka ayaa sheegtay in 24 sacadood ee la soo dhaafay ay diiwaangelisay 156 kiis oo cusub oo cudurka corona  kadib markii cudurkaasi ay ka baartay 4408 qof .

Heerka faafitaanka cudurka corona ayaa gaaray boqolkiiba 3.5.

Wasirka wasaaradda caafimaadka ee dalka  Mutahi Kagwe ayaa war qoraal ah uu soo saaray ku sheegay in  dadka laga helay cudurka corona 154 ay yihin Kenyan halka labada kalana ay yihin dad ajnabi ah .

Bukaanka ugu da’da yar ayaa  dhalan sideed bilood  halka bukaanka ugu da’da weyn uu jiro 87 sano.

Tirada guud ee kiisaska cudurka corona ayaa gaareen 251,959.

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 101 bukaan oo dheeraad ah ay ka soo caafimaadeen cudurka corona taasi oo tirada guud ee booqsashada ka dhigeyso 245,178.

Ugu danbeyntii wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in shan bukaan oo dheeraad ah ay uu dhinteen cudurka corona taasi oo tirada guud ee bukaanada uu dhinteen cudurka corona ay gaartay 5215.

  

Latest posts

Prof. Sam Ongeri oo uu tartamaya kursiga barasaabka ee Ismaamulka Kisii

Iftiin FM Reporter

Musalia Mudavadi oo baaq uu diray Kenyanka

Iftiin FM Reporter

Baarlamaanka Mandera oo ansixiyay hindise sharciyeed muhiim ah

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi