Kenya oo laga helay Kiisas Cusub oo Cudurka Corona

Dowladda dhexe ee dalka ayaa sheegtay in manta la diiwaangeliyey sagaal kiis oo cusub oo cudurka corona  kadib markii cudurkaasi laga baaray dad gaaraya 3255 ee 24 sacadood ee la soo dhaafay .

Heerka faafitaanka cudurka corona ayaa maraya boqolkiiba 0.3 sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalka .

Ma jiro bukaan uu dhintay cudurka corona ee 24 sacadood ee la soo dhaafay balse tirada guud ee dhimashada ayaa gaareyso 5647.

Wasirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in 7-ka mid ah kiisaska manta la diiwaangeliyeen ay yihin Kenyan  halka labada kalana ay yihin ajnabi.

Bukaanka ugu da’da yar ayaa jiro Shan sano halka bukaanka ugu da’da weyn uu jiro 62 sano.

Kiisaska guud ee cudurka corona ayaa gaareen  323,383.

Dhanka kale Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay  in 18 bukaan oo dheeraad ah ay ka soo caafimaadeen cudurka corona taasi oo tirada guud ee booqsashada ka dhigeyso 317,608.

Ugu danbeyntii 17.5 milyaan oo kenyan ah ayaa qaateen tallaalka cudurka corona .

  

Latest posts

Dalkani kenya oo la sheegay in unaan sidii la rabay iskugu diyaarinin la tacaalida Cudurka Ebola

Iftiin FM Reporter

Guddomiyaha amaanka ee ismaamulka Garissa oo baaq xoogan u diray shacabka Ismaamulkaasi

Iftiin FM Reporter

Booliska ismaamulka Kiambu oo gacanta kuso dhigay 5 eedeysanayaal oo oo lagu raad joogay

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi