Kenya oo laga helay kiisas Cusub oo Cudurka Corona

Dalalka Kenya iyo Tunisia ayaa ballan qaaday inay sare u qaadi doonaan iskaashiga ka dhexeeya dhanka caafimaadka gaar ahaan wax soo saarka dawooyinka iyo  badeecooyinka farmashiyaasha  .

Wasirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe  iyo dhigiisa ee wasaaradda caafimaadka ee dalka Tunisa Ali Mrabet oo kulan yeesheen ayaa ka dhawaajiyeen in labada dal ay ku heshiiyeen xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeyo  iyo in ay iska kaashadaan soo saarista tallaalka .

Also Read
Dowladda Kenya oo ka hadashay cunaqabateynta saaran dalka Zimbabwe.

Dhanka kale  wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 75 qof oo dheeraad ah laga helay cudurka corona 24 sacadood ee la soo dhaafay  kadib markii cudurka corona laga baaray 2248 qof .

Also Read
Haweenka Garissa oo ka cabanaya tacadiyada loo geysta.

Heerka faafitaanka cudurka Corona ayaa gaaray boqolkiiba 3.3 sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalka

Kiisaska cusub ee la helay ayaa 51 qof waa kenyan halka 24 ay yihin dad ajaanibi ah .

Also Read
Dr .William Ruto oo ka hadlay dhibaatooyinka haysta Kenyanka

Bukaanka ugu yar ayaa jiro lix sano halka bukaanka ugu da’da ugu weyn uu jiro 72 sano .

Kiisaska guud ee cudurka corona ayaa gaaray 324,349.

  

Latest posts

Guddiga Jinsiga iyo Sinaanta ee dalka oo ku baaqay in la soo afjaro dhibaatooyinka lagu haayo dadka waayeelada ah .

Iftiin FM Reporter

Eedeysanayaal dhowr ah oo lagu haayo saldhiga booliska Kiambu

Iftiin FM Reporter

Senetarka ismaamulka Tana River Danson Mungatana oo baaq uu diray Dowladda

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi