Kenya oo laga helay Kiisas cusub oo Cudurka Corona

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 288 qof oo dheeraad ah laga helay cudurka corona kadib markii cudurkaasi laga baaray dad gaaraya 3696 ee 24 sacadood ee la soo dhaafay . 

Heerka faafidda cudurka Corona ayaa gaaray boqolkiiba 9.9 sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalka .

Kiisaska cusub ee la helay 229 qof waa Kenyan ah halka 59 ay yihin dad ajnaabi ah.

Kiisaska guud ee cudurka corona ayaa gaareen 326,737.

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 94 bukaan oo dheeraad ah ayaa ka soo caafimaadeen cudurka Corona taasi oo tirada guud ee booqsashada ka dhigeyso 319,419.

Ma jiro bukaan uu dhintay cudurka corona in kasta oo tirada guud ee dhimashada ay taagan tahay 5651.

Dhanka kale 18,432,071 oo qof ayaa qaateen tallaalka cudurka corona guud ahaan ee dalka . 

  

Latest posts

Musalia Mudavadi oo ka hadlay abaarta ka tagan dalka

Iftiin FM Reporter

Dalkani kenya oo la sheegay in unaan sidii la rabay iskugu diyaarinin la tacaalida Cudurka Ebola

Iftiin FM Reporter

Guddomiyaha amaanka ee ismaamulka Garissa oo baaq xoogan u diray shacabka Ismaamulkaasi

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi