Kenya oo manta laga helay 637 kiis oo COVID-19 ah

Dalkani kenya ayaa waxaa maalin kasta sii kordhaya kiisaska cusub ee cudurka Coroana .

Dowladda dhexe ee dalka ayaa waxay sheegtay manta in 637 qof oo dheerad ah laga helay cudurka Corona 24-kii sacadood ee la soo dhaafay .

Xoghayaha maamulka wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr. Rashid Aman oo manta kenyanka uu soo bandhigay khudbadda maalinlaha cudurka Corona ayaa sheegay in 24-kii sacadood ee la soo dhaafay dad gaaraya 4275 laga baaray cudurka Corona halka 637 qof oo dadkani ka mid ah laga helay cudurka Corona .

Xoghayaha maamulka wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr. Rashid Aman ayaa sida oo kale sheegay in kiisaska  guud  cudurka corona la diiwaangeliyey ay gaareen 14805.

Bukaano gaaraya 499 ayaa ka soo boogsadeen cudurka Corona 24-kii sacadood ee la soo dhaafay  taasi oo tirada guud ee bukaanada ka soo boogsaday cudurka COVID-19 ka dhigeysa 6757.

 Dr. Rashid Aman ayaa carabka ku dhuftay in  10 bukaan oo dheerad ah ay uu dhinteen cudurka Corona  taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 260.

Dr. Rashid Aman  ayaa sheegay in  wasaaradda caafimaadka ee dalka ay ku baaqeyso in guryaha ay daryeel ku helaan bukaanada qaban cudurka Corona balse aan tuusiineynin calaamadaha cudurkaasi 

  

Latest posts

Wasaaradda caafimaadka oo ka hadashay daawooyinka Covid 19

Iftiin FM Reporter

Dr.William Ruto oo ku faanaya waxqabadkiisa

Iftiin FM Reporter

Kenya oo laga helay kiisas badan oo Cudurka Corona

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi