Khilaafka dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF oo xoogeystay iyo dowlad deegaanka Soomaalida oo digniin u dirtay shacabka.

Xeer-ilaaliyaha guud ee dowlad Deegaanka Soomaalida,  Cabdiwali Jaamac Ibraahim ayaa sheegay in shacabka Deegaanka Soomaalida ay iska ilaaliyaan taageeridda kooxda TPLF ee dagaalka adag kula jirta Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Xeer Ilaaliyaha oo la hadlay Warbaahinta degaanka Soomaalida ee SRTV ayaa sheegay in TPLF ay dhibaatooyin kala duwan u geysteen Shacabka Deegaanka loogana baahan yahay inay ka feejignaadan hagardaamooyinkooda.

Also Read
QM oo ka hadashay Taalibaan.

Xeer-ilaaliyaha guud ee DDS ayaa waxaa uu intaasi ku daray in uu baarlamaanka dalka ku daray liiska argagixisada kooxda TPLF, sidaa darteed qof kaste oo taageero u muujiyana uu qabanayo bayaanka argagixisada ee tirsigiisu yahay 1176/2020, isaga oo tusaale u soo qaatay dad shirar kala duwan ku qabsanaya meelaha qaar.

Also Read
Kooxda Taalibaan oo toogatay burcad afduub geystay.

Ugu dambeyn xeer-ilaaliyaha guud ee dowlad degaanka Soomaalida  ayaa uga digay bulshada in ay ku dhex-milmaan falalka ka soo horjeeda sharciga, kana fogaadaan arrimaasi.

Also Read
RW Rooble oo eedeymo uu soo jeediyey MD Farmaajo.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa dagaal adag kula jirta Kooxda TPLF, waxaana Maamulada kajira Itoobiya ay intooda badan Ciidamo u direen Gobolka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya si ay uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro TPLF.

  

Latest posts

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeyb galay Salaadda Janaasada Taliyehii Boliiska Gobolka Banaadir

Iftiin FM Reporter

Dowladda Turkiga oo sheegtay in ay xoojin doonta taageerada Ciidanka dalka Soomaaliya

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Muuse Biixi oo Muddo kordhin loo sameeyay

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi