Kiisaska xanuunka COVID-19 ee Somalia ayaa kor u dhaafay 3,000. Kadib markii 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyey 9-kiis oo cusub.
Warbixintii u dambeysay ee wasaaradda caafimaadka Somalia ayaa lagu shaaciyey tirada kiisaskan cusub, waxayna hadda tirada guud ee kiisaska laga diiwaan geliyey gudaha Soomaaliya gaareen 3,006 oo xaaladood.
Bukaanada cusub ee laga helay cudurkan ayaa kala jooga Somaliland 3, gobolka Banaadir 5, iyo Jubbaland oo laga helay hal kiis oo Coronavirus ah. Waxayna dadkaas kala yihiin 8 rag ah iyo hal dumar ah.
Sidoo kale wasaaradu waxay shaacisay in 37 qofood ay kasoo bogsadeen cudurkaas, waxayna tirada guud ee bogsashadu gaartay 1,051 qofood.
Inta la shaaciyey waxaa cudurka COVID-19 Somalia ugu geeriyootay 92 qofood. Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa dadka Somaliyeed ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.