Koox yar oo saxiixa  Matheus Nunes  ku garaacday Liverpool iyo Chelsea.

 Sida warbixinnadu ay tilmaamayaan Koox yar ayaa  la soo sheegay in ay   saxiixa  Matheus Nunes  ay ku garaacday Liverpool iyo Chelsea, waxaana la warinayaa in haatan lagu kala adkaaday saxiixiisa.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon iyo xulka Portugal ee Matheus Nunes oo saxiixiisa kooxo badan la la xiriirinayay xagaagan ayaa la warinayaa inay u muuqato inuu koox cusub yeeshay.

Also Read
Mikel Arteta oo ka hadlay xaaladda Emile Smith Rowe

Suuqa xagaaga waxaa saxiixa Matheus Nunes la la xiriirinayay kooxaha Liverpool iyo Chelsea, balse haatan waxaa hantisay kooxda Premier League ka ciyaarta ee Wolves.

Kooxda Wolves ayaa qaadanaysa xiddigan khadka dhexe ee cajiibka ah, waxaana ay doonaysaa inuu beddel u noqdo Joao Moutinho oo ku jira qeybihii dambe ee waayihiisa ciyaareed.

Also Read
Kooxda Villarreal oo ka hadashay Pau Torres

Kooxda Wolves oo sanadihii ugu dambeeyey caan ku ahayd saxiixyada xiddigaha ka soo jeeda dalka Portugal ayaa markale soo heshay ciyaaryahan dalkaasi u dhashay, maadaama xiddigo badan oo reer Portugal ay u ciyaaraan kooxdan ayaa la warinaa inay tahay sababta ugu weyn oo uu laacibkani u doortay.

Also Read
Cristiano Ronaldo oo ka hadlay Kulanka kooxdiisu la ciyaari doonto Man City maanta.

Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa Portugal ee la yiraahdo Record ayaa warinaya in Matheus Nunes uu aqbalay inuu ku biiro Wolves, heshiis ku kacaya adduun dhan 45 milyan oo euro oo ay dib ka raaci doonto 5 milyan oo euro oo ku xirnaan doona bandhigga ciyaaryahankan.

 

  

Latest posts

Daaficii hore ee Chelsea William Gallas oo weerar afka ah ku qaaday tababare Graham Potte

Iftiin FM Reporter

Real Madrid oo tallaabo uu qaaday Joao Cancelo

Iftiin FM Reporter

Kooxda chelsea oo ku biirtay baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund Jude Bellingham

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi