Kooxaha Barcelona iyo Juventus ayaa waxay sii xoojiyeen xiisahooda waxayna u dhaqaaqeen saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang.
Kooxaha Barcelona iyo Juventus ayaa waxay diiradda saareynayaan in ay amaah ku qaataan xiddiga Aubameyang inta ka dhiman xilli ciyaareedkan iyada oo ay socdaan wadahadalo ku saabsan sidii uu xiddigu ugu biiri lahaa midkood labada kooxood.
Xiddiga Aubameyang ayaa u muuqda mid ku jira saacadihiisii ugu dambeeyay kooxda Arsenal iyada oo kooxdu diyaar u ah ina sy iska iibiso xiddiga inta lagu jiro suuqa January.
Kooxaha Barcelona iyo Juventus ayaa Arsenal kala soo xidhiidhay xiddiga Aubameyang si ay u helaan inta lagu jiro suuqa January ee bishan.