Kooxda Arsenal ayaa la soo sheegaya in ay talaabo muhiim ah u qaaday saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Gabriel Jesus sida ay sheegayaan wararky.
Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Gabriel Jesus si ay u hesho saxiixa xiddiga reer Brazil.
Gunners aya maalmihii ugu dabnbeeyay lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga Gabriel Jesus iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan weerarkooda xilli ciyaareedka dambe.
Haatan sida laga soo xigtay GOAL, Arsenal ayaa dalab Rasmi ah oo dhan 50 milyan oo euro ka gudbisay saxiixa xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus.
Isla warayska ayaa sheegaya in wadahadalada labada dhinac ay meel fiican socdaan waliba la dhamaystiri karo wadahadalada ka hor dhamaadka bishan.