Kooxda chelsea ayaa la soo sheegaya in ay wadahadalo la qaadatay wakiilka Robert Lewandowski si ay ugu dhaqaaqdo xagaaga xilli Thomas Tuchel uu kor u qaaday raadinta weeraryahan cusub xagaagan.
Chelsea ayaa si aad ah u rajeyneysa inay cusboonaysiiso weerarka kooxda iyaga oo isku diyaarinaya in ay ku tartamaan ku guulaysiga horyaalka premier League yadoo Timo Werner uu xilli ciyaareed niyad jab leh ku qaatay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay premier League.
Tababare Tuchel ayaa si cad u sheegay in uuna Tammy Abraham mustaqbal ku lahayn Stamford Bridge iyada oo uu xiddiga 23 jirka ah xiiso ka helayo Arsenal halka uu Olivier Giroud haatanba ka tagay kooxda.
Kooxda Chelsea ayaa aad loola xidhiidhinayay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland laakiin Borussia Dortmund ayaa dalbanaysa lacag waali ah oo kor u dhaafaysa 150 milyan oo euro.