Kooxda Inter Milan ayaa mar kale ku guuleysato markii 8-aad taariikhdeeda ku guulaystay koobka Cpa Italia kadib markii ay garaaceen kooxda Juventus kulan xiiso lahaa.
Kulanka ayay labada kooxood wada ciyaareen 120 daqiiqo kadib markii ay ku kala bixi waayeen 90-kii daqiiqo ee ciyaarta.
Inter Milan ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay haliyaan goolal wakhti hore ah.
Daqiiqadii 6-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Nicolo Barella kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Inter Milan hogaaminayso ciyaarta xilli ay Juventus ku dhibaatootay goolka hortiisa.
Qaybta dambe ayay kooxda Juventus dhankeeda si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan waliba dhaliyaan goolal ay ugu soo laabtaan.
Daqiiqadii 50-aad ayay Juventus dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Alex Sandro kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay labada kooxood bar-baro ku yihiin.
Juventus ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 52-aadba dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Dusan Vlahovic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Juventus ku hogaaminayso ciyaarta.
Kooxda Inter Milan ayaa bilowday in ay raadiso in ay ku soo laabtaan ciyaarta iyaga oo doonaya in ay dhaliyaan goolka bar-baraha dhaliyaan.
Daqiiqadii 80-aad ayaa Inter Milan loo dhigay rikoodhe waxana u istaagay xiddiga Hakan Calhanoglu kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 2/2 ah oo ay kooxdiisu ciyaarta ugu soo laabatay.
Intaas kadib waxa dhamaatay 90-ka daqiiqo ee ciyaarta waxana lagu daray 30 daqiiqo si ay labada kooxood ugu kala baxaan midkoodna ugu guulaysto koobka.
Daqiiqadii 99-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 3-aad waxana rikoodhe gool u badalay xiddiga Ivan Perisic kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2 ay Kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.
Xiddiga Perisic ayaa daqiiqadii 102-aad dilay ciyaarta isaga oo u dhaliyay kooxdiisa Inter Goolka 4-aad ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/2 ay Inter ku hogaaminayso ciyaarta.