Kulanka: Chelsea Vs Real Madrid

Kooxda Chelsea ayaawaxay caawa  marti galin doonta Kooxda Real Madrid kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League kulan ka dhici doonaa Stamford Bridge.

Chelsea ayaa kulanka soo gali doona iyaga oo doonaya in ay hal lug la galaan semi-finalka champions League.

Dhanka kale Los Blancos ayaa kulanka soo gali doona iyaga oo doonaya in ay ka aarsadaan chelsea oo xilli ciyaareedkii hore ka reebtay tartanka.

Also Read
Barcelona vs Granada.

Kulanka: Chelsea Vs Real Madrid

Tartanka: champions League 

Wakhtiga: 10:00 

Garoonk: Stamford Bridge 

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Markan ayaa noqon doona xilli ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah oo ay labada kooxood ku kulmaan wareega bug baxa champions League, iyada oo Blues noqon karta kooxdii ugu horaysay ee reer England ah ee los Blancos ka reebta tartanka marar badan kadib markii ay xilli ciyaareedkii hore reebtay.

Also Read
Tammy Abraham oo iska joogaya kooxda Roma

Real Madrid ayaa kooxda Chelsea wajahday marar badan iyaga oo aan ka badan marka loo bar-bar dhigo kooxaha kale ee reer England iyaga iyaga oo ka hor tagay 5 jeer.

Chelsea ayaan guuldaro kala kulmin 8-dii kulan ee ugu dambeeysay ee ay la ciyaartay kooxaha reer Spain iyada oo ay ka mid tahay 5 kulan oo uu kooxda hogaaminayay tababare Thomas tuchel.

Also Read
Wararkii ugu dambeeyey ee Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda .

Kulankii ugu dambeeyay ee ay Real Madrid guul ka gaadho koox premiere League oo ay marti u tahay ayaa ahayd Liverpool xilli ciyaareedkii 2014/2015 wixii ka dambeeyay wax guul ah kama gaadhin 5-tii kulan ee ugu dambeeysay.

  

Latest posts

Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda

Iftiin FM Reporter

Xiddiga Tyrell Malacia Oo Shaaca Ka Qaaday Cida Ku Qancisay Ku Biirista Man United.

Iftiin FM Reporter

Gabriel Jesus oo nambarka sagaalaad uu xiran doono Arsenal

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi