Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha ismaamulka Wajir oo aad horkacayo xildhibaankii hore ee galbeedka Wajir Mohamed Ahmed Khalif ayaa waxay baaq xoogan uu direen dowladda dhexe ee dalka .
Hoggaamiyayaashani ayaa waxay ugu baaqeen dowladda dhexe in ay adkeyso amaanka guud ee xadka kala qeybiyo Ismaamulada Wajir iyo Isiolo kadib weerarkii maalintii axadii la soo dhaafay ka dhacay halkaasi oo ay ku dhaawacmeen labo qof.
Xildhibaankii hore ee galbeedka Wajir Mohamed Ahmed Khalif oo warbaahinta kula hadlay magaalada tan nairobi ayaa sheegay in dableyda weerarkaasi geysteen ay la baxsadeen 200 oo neef oo geel ah deegaanka Dogosha Merti xadka Wajir iyo Isiolo