Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 14-aad, guutada 14-ka October ee ku sugan Magaalada Marka ayaa xaleyto howlgal ballaraan oo ay ka sameeyeen Xaafado katirsan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku soo qabteen madaxii qaraxyada Alshabab uu qaabilsanaa
Taliyaha ururka 14-aad, Guutada 14-ka October Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa ka dhawaajiyey in howlgalka lagu qabtay Nin lagu Magacaabo Aweys Mayow eelaay oo ah, madixii qaraxyada Al-Shabaab u qaabilsanaa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xilliga la qabanayay Aweys eelaay uu ku howlanaa Aasitaanka miino uu doonayay inuu ku dhibaateeuo Shacabka aan waxba galabsan ee Marka Cadey kunool, isla markaana sidoo kale ay ciidanka xoogga usuura-gashay inay gacanta ku dhigaan qaraxyo isugu jira Bamba gacmeedyo iyo Miinooyin uu hoygiisa ku farsameynayay.