Madaxweynaha Axmed Cabdi Kaariye oo la kulmay Safiirka dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa mar kale magaalada   Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye  ayaa sheegay in kulanka loogu hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha Galmudug.

Also Read
Maxakamadda gobolka Togheer ee maamulka Soomaliland oo dil ku xukuntay Sakariye Cabdi Yuusuf,

Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xusay in Galmudug ay qaaday tallaabooyin horumarineed oo ku aadan dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo amniga, ayna wadamada Soomaaliya taageera oo Sweden ka mid tahay uga baahanyihiin inay ka gacansiiyaan arrimaha samafalka iyo horumarinta.

Also Read
Dad lagu dilay goob codbixin ay ka socotay dalka Itoobiya.

Staffan Tillander Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey waxqabadka Galmudugta cusub iyo doorka ay ka qaadanayso dhismaha dowladnimada Soomaaliya, iyadoo wali curdan ah, waxaana uu balanqaaday in dowladda Sweden ay taageero la garab taagnaan doonto Galmudug iyo Soomaaliya oo dhan.

  

Latest posts

MD Farmajo oo joojiyey awoodaha RW Rooble.

Iftiin FM Reporter

Kooxda Taalibaan oo ka hadashay qaraxi kabul .

Iftiin FM Reporter

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kala hadlay Arrimaha doorashooyinka Beesha Caalamka.

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi