Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaradka Carabta ee Soomaaliya, Maxamed Axmed Cuthmaan.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka garab istaaga iyo gurmadka ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.
Safiirka Dowladda Imaaradka Carabta ayaa amaanay Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, doorkii uu ka qaatay shirkii Golaha wadatashiga ee ka qabwoomay Muqdosho, kaas oo laga soo saaray heshiis ku saabsan doorashada.
Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.