Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Dalka Jabuuti kulan kula qaatay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Shirkani oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Jabuuti ayaa madaxdaasi waxay ugu hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.
Madaxweynaha Galmudug waxaa ku wehliyay shirkaan wasiirada Amniga, arrimaha gudaha,gaadiidka iyo masuuliyiin kale. Dhinaca kale waxaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku wehliyay kulankaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaadiidka, maareeyaha Guud ee dekadaha Jabuuti iyo Danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa shalay gaaray Magaalada Djabuuti, halkaasi oo uu tagay arimo la xariira dhismaha dekedda Hobyo.