Madaxweyne ku xigeenka dalka Dr. William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka la mideeyo balse waxa uu sheegay in taasi la gaari karo oo kaliya hadii hogaamiyayaasha siyaasada ay marka hore wax ka qabtaan soona afjaraan siyaasada dhagarta iyo khiyaamada ku saleysan.
Ruto oo Maanta ka hadlayay Xaflada aaska ee Ririani Gachagua oo ah nin la dhashay Musharixiisa Madaxweyne kuxugeen Rigathi Gachagua, oo ka dhacday ismaamulka Nyeri ayaa kenyanka ugu baaqay in ay taagerayaan isbaheysiga Kenya kwanza isaga oo intaasi ku daray in isbaheysigooda uu yahay midka kaliya ee ka shaqeynaya danaha dadka.
Rigathi Gachagu ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in uu wiiqi doono xafiiska Madaxweynaha hadii uu ku guuleysto Doorashada.
Gachagua ayaa sheegay in uu taageeri doono Madaxweynaha si wax looga qabto dhaqaalaha dalka.
Dhanka kale hogaamiyaha Xisbiga Amani National congress Musalia Mudavadi, ayaa sheegay in uu taageeri doono Madaxweynaha hadii ay ku guuleystaan doorashada 9-ka bisha Agosto.