Mareykanka oo duqeyn ka fuliyey magaalada Kaabuul ee dalka Afqaanistaan.

Dowladda mareykanka ayaa sheegtay  in  duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday magaalada Kaabuul ee dalka Afqaanistaan maalmo uun ka hor inta aysan ciidamadiisu ka bixin dalkaasi ay ku dhinteen 10 qof oo aan waxba galabsan, sida uu CBS News u sheegay sarkaal Mareykan ah.

Also Read
Markab dabeyl xoogan ay ku qabsatay xeebta degmada Baargaal ee bariga Puntland.

Baaritaan ay dowladda mareykanka sameysay ayaa lagu sheegay  in duqeyntaasi oo dhacday 29 -kii Ogosto lagu dilay shaqaale samafal oo aan waxba galabsan iyo sagaal xubnood oo qoyskiisa ka tirsan, kuwaa oo ay ku jiraan toddoba carruur ah.

Also Read
Wadahadaladii dalka Mali oo joogsadeen

Cannuga ugu da’da yar ayaa la sheegayaa in uu jiray laba sano oo kaliya.

Also Read
Dowladda Soomaliya oo ka hadashay weerarradii ay Al-Shabaab ka fuliyeen Sh/Hoose.

Sirdoonka Mareykanka ayaa muddo siddeed saacadood ah ku raad joogay gaariga uu watay ninkaasi, iyagoo rumeysnaa in uu xiriir la lahaa kooxda la baxday dowladda Islaamka ee gobolka Khorasan.

 

  

Latest posts

Qarax ka dhacay magaalada Beledweyne Soomaliya.

Iftiin FM Reporter

RW Cabdalla Xamadook oo ka hadlay khilaafka siyaasdeed ee ka taagan dalkiisa.

Iftiin FM Reporter

Danjire Maxamud Axmed Nuur oo kulan la qaatay danjiraha Thailand ee dalka Kenya.

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi