Kadib 20 sano oo ay ku sugnaayeen gudaha dalka Afqhanistan ayaa ciidamada mareykanka waxay manta ka baxayaan gudaha dalkaasi .
Masuuliyiinta iyo cidamada mareykanka ayaa waxay manta soo gabagabeynayaan daadgureyntii ay ka wadeen Afghanistan.
Tani ayaa waxay sababtay in Dagaalyahanada Taalibaan ay sameeyaan dabaal degyo iyadoo laga maqlayey dhawaaqa rasaaso ay ridayaan . kadib markii diyaaraddii ugu dambeysay ee Mareykanku leeyahay ay baxday.
Bixitaanka diyaaraddaas ugu dambeysay ayaa muujineysa dhammaadkii dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka, iyo dadaal daadgurayn ballaadhan ahaa oo billowday 14 -kii Ogoosto, wax yar ka dib markii Taliban ay qabsatay waddanka.