Mareykanka oo Militirigiisa kala baxay dalka Ciraaq.

Mareykanka ayaa in kabadan seddex meeloodoow meel ciidamadiisa kagala bixi doona Ciraaq todobaadyo gudahood, sida uu sheegay taliyahooda ugu sareeya ee Bariga Dhexe.

Jeneraal Kenneth McKenzie ayaa wariyeyaasha u sheegay in ciidamada Ciraaq jooga tiradoodu ay tahay 5,200 balse haatan lagu soo koobi doono 3,000 inta lagu guda jiro bisha Sebtember.

Also Read
Diyaarado dagaa oo duqeeyay dalka Soomaaliya.

Maraykanka waxaa uu sheegay in ciidamada haray ay sii wadi doonaan la-talinta iyo caawinta ciidamada amniga ee Ciraaq si ay “u ciribtiraan” kooxda jihaad-doonka ah ee Daacish (IS).

Bishii la soo dhaafay, ayay ahayd markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu mar kale xaqiijiyey inuu qorsheynayo in dhammaan ciidamadiisa kala baxo Ciraaq sida ugu dhakhsiyaha badan.

Also Read
Doorosho ka dhaceyso Magaalada Kismaayo

Waxaa la filayaa in uu soo dhaweeyo in ciidamada Ciraaq la dhimo taas oo uu arko horumar laga gaaray balanqaadkiisi ololaha doorashada 2016ka oo uu ku sheegay in ciidamada Maraykanka laga soo saaro dagaalada aan dhamadka lahayn.

Also Read
Abaar xoogan oo ka tagan Geeska Africa

Joogitaanka ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale noqotay arinta ugu weyn ee Ciraaq tan iyo markii Mareykanka uu duqeyn diyaaradeed ku dilay Baqdaad, Jeneraalkii ugu sare ee reer Iran, Qasem Soleimani ,bishii Janaayo.

  

Latest posts

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeyb galay Salaadda Janaasada Taliyehii Boliiska Gobolka Banaadir

Iftiin FM Reporter

Dowladda Turkiga oo sheegtay in ay xoojin doonta taageerada Ciidanka dalka Soomaaliya

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Muuse Biixi oo Muddo kordhin loo sameeyay

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi