Martha Karua oo ka hadashay guushii uu gaaray William Ruto.

Ku xigeenka musharaxa madaxweyne ee isbaheysiga Azimio La Umoja Martha Karua ayaa sheegtay in ay si weyn uga soo horjeedo guusha madaxweynaha cusub ee dalka Kenya ee William Ruto.

Tani ayaa timid ka markii maqribnimadii maanta uu guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC uu ku dhawaaqay in William Ruto uu ku guuleystay kursiga madaxtinimo ee dalka Kenya.

Martha Karua ayaa qoral soo dhigtay baraha bulshada wax yar ka dib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay guusha William Ruto, iyada oo sheegaty in aysan aqbalin natijada doorashada.

Dhanka kale diiwanhayaha maxkamadda sare ee Letizia M Wachira ayaa kula talisay xisbi kasta oo raba in uu soo gudbiyo dacwad ka dhan ah natijada doorashada madaxweynaha in uu haysto 7 maalmood.

  

Latest posts

Hanti ku burburtay dab ka kacay magaalada Ilbisil Ismaamulka Kajiado

Iftiin FM Reporter

Barasabka ismaamulka kwale Fatuma Achani oo ka hadashay abaarta ka jirta deegaanada Ismaamulkaasi

Iftiin FM Reporter

Uurka gabdhaha iskuuleyda oo ku batay Ismaamulka Narok

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi