Maxkamadda Rafcaanka ee dalka ayaa Arbacada soo socota oo ku beegan 2-da bisha abaare 9-ka subaxnimo qaban doonta Shirkaa Mareynta kiiska la Xariira Warbixinta Mideynta kenyanka ee BBI-da.
Diiwan hayaha Maxkamada racfaanka ee dalka Moses Serem, ayaa sheegay in shirkaasi uu u dhici qaab fool ka fool ah isla Markana ay shir guddomin donaan 3 garsoorayaal oo Maxkamadaasi ka tirsan.
Bayaan kaso baxay diiwan hayaha maxkamada ayaa lagu sheegay in Shirka maaraynta kiiska uu Maxkamada fursad u siin doono In ay hesho tilmaamo ku haboon oo ku saabsan arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin suurto galnimada dhageysiga racfaanka kiiska BBI-da , dhererka iyo waqtiga soo gudbinta dacwada , iyo saadka la xiriira dhageysiga racfaanka.
Saddexda garsoore ayaa dhageysan doona codsiyada madaniga ah ee ka yimid xukunkii maxkamadda sare ee BBI ee 13kii Maajo.
Maxkamadda Racfaanka ayaa diiday codsi uga yimid kuwa taagersan Warbixinta BBI-da kaasi oo ahaa in 7 Garsoore ay dhageystaan kiiska racfaanka ee ka imaanaya Maxkamada sare.
Min hal qareen ayaa loo ogolaan doona dhinacyada kiiska isku haya in uu Maxkamada sii toos ah ii yimaado iyaada oo dhamaan qareenada kale ay kiiska qaab fogaal arag ah ay uga qayb gali donaan.
Arrintan ayaa Waxaa loo sameynaya si loogu hogaansamo talloyinka Wasaarada caafimaadka ee ku aadan Xakameynta cudurka Covid-19.