Maxkamada hoose oo laga furi doono xaafadaha ku yaalla Nairobi.

Waaxda adeegyada Magaalada Nairobi ayaa balan qaaday in ay sadaxda bilood ee soo socda ay shan Maxkamadood oo yaryar ka dhisi doonto ila iyo shan Deegan oo Nairobi kuyaala.

Waaxda adeegyada Magaalada Nairobi ayaa sheegtay in Xaafadaha Kasarani, Makadara, Dagoretti, Mathare iyo  Embakasi ay ka dhisi doonto Maxkamada yaryar.

Dhanka kale Madaxa Waaxda cadaalada ee dalka Martha Koome ayaa sheegtay in Maxkamada shaqaalaha dalka eek u yaala ismaamulada Kericho Malindi iyo  Bungoma la gayn doono garsooryaal horleh.

Madaxa Waaxda cadaalada ayaa sheegtay in Maxkamada shaqaalaha ay horyalaan 13,500 oo kiis oo aan weli la xalinin iyada oo inta badan kisaska ay Nairobi yalaan.

Koome ayaa sheegtay in Waaxda cadaalada ay 9 Maxkamadood oo kuwa shaqaalaha ka furtay ismaamulada Nairobi, Kisumu, Kericho, Nyeri, Mombasa, Eldoret, Nakuru, Bungoma and Malindi.

Koome ayaa sido kale sheegtay in Maxkamada ay Xarumo Cusub ka furi doonto ismaamulada Nyamira, Kilgoris, Siaya, Vihiga, Kwale, Isiolo, Homa Bay iyo Nanyuki si shacabka adeegyada loogu soo dhaweeyo.

Madaxa Waaxda cadaalada ayaa ugu dambeyntii sheegtay in Waaxda ay qorsheyneyso in Maxkamada yar yar ay ka furto deeganada kale ee dalka.

  

Latest posts

Kenya oo laga diiwaangeliyey kiisas cusub oo Cudurka Corona .

Iftiin FM Reporter

Justin Muturi, oo ku baaqay in baaritaano lagu sameeyo sababta loo kordhiyey qiimaha shidaalka.

Iftiin FM Reporter

Dr.William Ruto oo ka hadlay dhaqaalaha Dalka .

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi