Maxkamada khilaafaadka xisbiyada siyaasada ayaa si ku meel gaar ah uga mamnuucday xisbiga the Democratic Party iyo hogaamiyaha xisbigaasi Justin Muturi inay horumariyaan heshiiska isbaheysiga ee ay la galeen Kenya Kwanza.
Maxkamada ayaa sidoo kale soo saartay amar ku meel gaar ah oo ka mamnuucaya Diiwanhayaha Xisbiyada Siyaasada inuu diiwaan geliyo dukumeenti kasta oo sheegaya inuu yahay heshiis isbaheysi oo lala galo Xisbiga the Democratic Party.
Amarkan ayaa shaqaynayaan ilaa Jimcaha 20ka Meey, 2022 markaas oo maxkamadu ay go’aan kama dambays ah ka gaadhi doonto arinta.
Awaamiirtan ayaa la soo saaray intii lagu guda jiray dhageysiga dacwad ay gudbiyeen saddex xubnood oo ka tirsan xisbigaasi oo kala aha Wambugu Nyamu, Daniel Munene iyo Kingori Choto, iyagoo doonayay in la buriyo go’aanka Muturi iyo mas’uuliyiinta kale ay heshika kula galeen Kenya Kwanza 9-kii bisha Abriil.