MD Farmaajo oo amarro kala duwan soo saaray .

Madaxweynaha Soomaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya amar kale ka hortagay in  lagu takri-falo hantida dadweynaha, si musuq maasuq ahna loola wareego;

Madaxweyne Farmaajo   oo ka duulaya xogta ku saabsan in dhulalka dan guud ah sida dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay iyo u sameynta dukumiinti sharci darro ah ayaa  sheegay in dowladiisa ay bilowday   baaritaan shakhsiyaadka ku lugta leh;

Also Read
Madaxweyne Trump oo Amy Coney Barrett uu magacabay garsooraha maxkamada ugu sareysa Mareykanka.

Madaxweynaha oo garowsan in Hantida Danta-guud uu dhowray Dastuurka Kumeel-gaarka ah iyo Qaanuunka dalka, sida ku cad qodobka 43-aad ee Dastuurka, ayna waajib ku tahay Dowladda in ay u ilaaliso hantidaas si ka caaggan damac shakhsi iyo maamul xumo;

Waxa uu mar kale soo saaray Xeerkan;

1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa.

Also Read
Qarax ka dhacay dalka Suuriya .

2. Maadaama Sharci Baarlamaanka Federaalku uu soo saaro ay xaddidi doonto baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalka dhulka Danta-guud, lama bixin karo ruqsad ku saabsan isticmaalka si kumeel gaar ah ama abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Also Read
Dalka kasovo oo ay Maanta ka dhaceyso doorasho

3. Iyadoo la tixgelinayo xilligan dalku uu u jiheystay doorashada, Masuulkii isku daya in uu bixiya ama la wareego dhulalka danta guud, waxa uu qaadayaa masuuliyadda ka dhalata iyo cawaaqibta sharci ee la xiriirta ku takri-falka awoodda, dayacaadda danaha Qaranka iyo musuqmaasuqa amaanada shacabka Soomaaliyeed.

 

  

Latest posts

Dowladda Ruushka oo fariin uu soo dirtay dowladda Soomaliya

Iftiin FM Reporter

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka hadlay weerar ka dhacay Magaalada Beledweyne

Iftiin FM Reporter

QM oo ka hadashay gargaarkii ugu horeeyay lagaarsiiyay G.Tigreey

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi