Toddobadyadii la soo dhaafay ayaa barlamaanka Somaliland waxaa uu wasirka arrimaha dibadda ee Somaliland sheegay in uu safar ku tago dalka Maraykanka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Booqashani ayaa waxay noqon doonta kii ugu horreeyey ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku tago dalka Maraykanka.
Muddooyinkii u danbeeyey waxaa laga arkayey warbaahinta iyo qaar ka mid ah madaxda falanqeeya siyaasadda Maraykanka, baaqyo isasoo tarayey uu ku aaddanaa samaynta xiriir cusub oo dhex mara Somaliland iyo Maraykanka.
Somaliland iyo Maraykanka ma aha markii u horreysay ee la isku xiriir ama si uun uu usoo baxo warka sheegayaa in xiriir gaar ahi dhex marayo. Mana aha markii u horreysay ee ay kulmi doonaan madax ka kala socoto labada dhinac.