Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk oo ka maqnaan doono kulanka ay cawa Liverpool la cayaari doonto Southampton

Liverpool waxaa ka maqnaan doona Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk safarka Southampton caawa iyo waliba kulanka Wolves ee Axada soo socota laakiin labada xiddig ayaa oo laaban doonaan finalka Champions League usbuuca soo socda.

Also Read
Kooxda Liverpool oo raadineysa xiddiga Yves Bissouma.

Salah ayaa dhibaato gumaarka ah soo gaaray halka Van Dijk uu dhaawac jilibka ah soo gaaray intii lagu jiray finalka FA Cup, iyadoo midkoodna uusan gaarin dhamaadka ciyaarta.

Iyada oo laba kulan oo premier League ah iyo champions League final u hadhay Liverpool waxa jiray wal-wal laga qabo labada xiddig taam ahaanshohooda.

“Shaki kuma jiro in ay taam u noqon doonaan Final-ka champions League”ayuu Klopp yidhi ka hor kulanka Southampton.

Also Read
Liverpool oo ku guuleysatay koobka League Cup-ka
Also Read
Joe Gomez oo ka tagi rabo Liverpool

“Laakiin waxa ay seegi doonaan kulamada Southampton iyo Wolves ee Axada dambe”ayuu sii raaciyay.

Dhaawacyada ayaa yimid xilli ay Reds isku diyaarinayso kulankooda ugu muhiimsan xilli ciyaareedkooda kaas oo ah Final-ka Champions League.

  

Latest posts

Gabriel Jesus oo ku faraxsan Kooxdiisa Cusub

Iftiin FM Reporter

Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee maanta

Iftiin FM Reporter

Ángel Di María oo heshiis la gaaray Juventus

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi