Mucaaradka Soomaaliya oo ku dhawaaqay dibadbaxyo.

Wararka naga soo gaaraya dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in midoowga mucaaradka Soomaaliya uu ku dhowaaqay in Jimcaha nagu soo aadan ay Muqdisho ku qaban doonaan isu soo baxyo ka dhan ah dowladda.

Wararkan ayaa sido kale sheegaya in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shir jara’id qabtay uu ku eedeeyay dowladda soomaaliya in aysan daacad ka aheyn inay qabato doorasho xor iyo xalaal ah.

Also Read
Dagaal Culus oo ka socdo gobolka Tigrey-ga Itoobiya .

“Musharraxiinta dood dheer iyo falaanqeyn kaddib waxay go’aansadeen isu soo bax lagu diidan yahay arrimaha aan soo sheegnay in magaalada Muqdisho laga sameeyo maalinta Jimcaha ah.. isu soo baxo waa xuquuq ay dadku leeyihiin dadku ay ku cabiraan dareenkooda”

Also Read
Guri ku dumay gagaarka Isgoyska Sooble ee Waaxda degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

“Doorashadii aan xal loo heynin, sidaas darteed dadku inay isugu soo baxaan banaanbax lagu diidan yahay arrintaas lagu dalbanayo dalkan in dariiqi saxda ahaa ee sharciga aheyd in uu aado ayaan ugu yeereynaa dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekh oo maanta ka hadlayay shir jaraa’id ay mucaaradka ku qabteen Muqdisho.

Also Read
Nin lagu dilay degmada Afgooye & faah faahin laga helayo

Dhowaan ayay aheyd markii mucaaradka ay sheegeen inaysan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsaneyn madaxwaynaha Soomaaliya maadama uu dhamaaday muddo xileedkiisa.

  

Latest posts

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeyb galay Salaadda Janaasada Taliyehii Boliiska Gobolka Banaadir

Iftiin FM Reporter

Dowladda Turkiga oo sheegtay in ay xoojin doonta taageerada Ciidanka dalka Soomaaliya

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Muuse Biixi oo Muddo kordhin loo sameeyay

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi