Mustaqbalka Neymar ee kooxda PSG oo shaki ku jira, MAXA CUSUB?

Madaxweynaha Kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa shaki galiyay mustaqbalka xiddiga kooxda ee Neymar kaas oo Albaabka u furay in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Hadal Mustaqbalka Neymar ee PSG ayaa la iloobay kadib markii uu xiddigu sii joogay kooxdiisa xagaagii hore inkasta oo lala xidhiidhinayay Barcelona.

Also Read
Kooxda chelsea oo raadineyso xiddiga Adrien Rabiot

Nasser Al-Khelaifi ayaa wax laga waydiiyay mustaqbalka Neymar xilli ay jiraan warar sheegaya in ay PSG iibin doonto qaar ka mid ah xiddigaha mushaharka badan ka qaata kooxda.

Also Read
Arsenal oo raadineyso Robert Lewandowski

Markii la waydiiyay in uu Neymar sii joogi doono PSG xilli ciyaareedka dambe ayuu Nasser Al-Khelaifi yidhi”Hadii uu Neymar ka mid yahay qorshaha PSG iyo hadii kale? arimahaas kagama hadli karno saxaafada”.

“Xiddigaha qaar ka mid ah kooxda way bixi doonaan qaar kalena way iman doonaan, arintaas si gaar ah ayaan uga wadahadli doonaa”.

Also Read
Gary Neville oo Magacaabay kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League

Xiddiga reer Brazil ayaan haatan ka mid ahayn xiddigaha ugu muhiimsan kooxda kadib markii ay kooxdu heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga Kylian Mbappe.

  

Latest posts

Xiddigaka tirsan kooxda PSG oo doortay shaxdiisa ugu fiican ee 5-ta xiddig ah

Iftiin FM Reporter

Hakim Ziyech oo ku biiraya Kooxda AC Milan

Iftiin FM Reporter

Milkiilaha kooxda chelsea ee Todd Boehly oo la kulmay Wakiilka Cristiano Ronaldo Jorge Mendes

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi