Muwaadin Shiineys ah oo lagu dilay Tana River.

Ciidamada booliiska ayaa waxay baarayaan dhacdadii lagu dilay muwaadin Shiineys ah.

Wararka ayaa sheegaya in la dilay muwaadin Shiineys ah halka laba qof oo kalena si arxan darro  ah loo dhaawacay ka dib markii tuugo ay weerareen hoygooda oo ku yaal wabiga Athi saacadihii hore ee subaxnimadii Jimcaha.

Saddexda qof ayaa ka koobnaa laba rag ah iyo hal dumar ah sida uu sheegay sarkaalka u qaabilsan baarista dambiyada ee ismaamulka Machakos Charles Mutua

Marxuumadda Jia Yuan oo aan da’deeda la xaqiijin ayaa waxaa ay u dhimatay jug culus oo madaxa ka soo gaartay xilli lagu daryeelaayay isbitaalka Shalom ee degmada Athi River isla markiiba loola caraayay.

Dhanka kale, Jia Yuwei oo ah haweeney 47 jir ah ayaa waxa dhaawac halis ah ka soo gaaray madaxa halka Jia Zheng Ming oo 37 jir ah madaxa lagala dhacay bir culus.

Labada haweeney ee uu soo gaaray dhaawaca ayaa lagu dabiibaya isbitaalka Shalom ee degmada Athi River

  

Latest posts

Kenya oo laga helay kiisas badan oo Cudurka Corona

Iftiin FM Reporter

Xarunta CDC oo ka hadashay nooca cusub ee Corona ”Omicron”

Iftiin FM Reporter

Musalia Mudavadi oo amaanay guddiga IEBC-da

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi