Maamulka Premier League ayaa mar kale ogolaaday iibka kooxda chelsea oo uu yeelanayo milkiile cusub kadib markii lagu sameeyay qiimayn.
Dalabkii Maal-qabeenka Reer Maraykan ee Todd Boehly uu ka gudbiyay kooxda chelsea ayuu maamulka premier League ogolaaday.
Premier League ayaa haatan xaqiijiyay in ay aqbaleen in lala kala wareego kooxda chelsea iyada oo lagula kala wareegayo qiimo lacageed oo dhan 4.25 bilyan euro.
Haatan dhamaystirka iibka kooxda chelsea waxa ka dhiman in ay Xukuumada UK ogolaato iibka isla markaas soo saarto Liisanka lagu kala iibsanayo kooxda chelsea si loo dhamaystiro iibka.
Todd Boehly Ayaa markaas kooxda chelsea kala wareegi doona milkiilihii hore ee kooxda Roman Abramovich kaas oo ugu dambayn isaga tagi doona kooxda tan ilaa 2004.