Qaramada Midoobay oo agabyada dooroshooyinka ku wareejisay maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Qaramada Midoobay ayaa  waxay  manta maamulada Puntland iyo Jubbaland gaarsiisay agabka doorashada, xili dhowaan ay billaabanayso doorashada xildhibaanada aqalka sare.

Xubnaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT Puntland, ayaa maanta qalab ay kamid yihiin sanaadiiqda codbixinta kala wareegay UNSOM xafiiskooda Garoowe.

Also Read
RW Rooble oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Waxaa sido kale maanta mar sii horreysay qalabkaan oo kale xafiiska UNSOM ee magaalada Kismaayo kula wareegay guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland.

Also Read
Puntland iyo Galmudug oo xooga saarayaan hortaga waxyaabaha maanka dooriya

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federal ay soo saareen jadwalka doorashada, kaasi oo tilmaamayay in 25 bishaan ay billaaabanayso doorashada xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

  

Latest posts

Weerar khasaara dhaliyay oo lala beegsaday Ciidamada Turkiga.

Iftiin FM Reporter

RW Rooble oo la kulmay mMadaxda Dowlad Goboleedyada Soomaliya.

Iftiin FM Reporter

Antony Blinken oo booqanaya dalka Kuwait.

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi