Qaramada Midoobay oo war ka soo saaray Golaha Wadatashiga Qaran

Qaramada Midoobay ayaa   bayaan ka soo saartay  heshiiskii shalay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen Magaalada Muqdisho, kadib Shir Caasimadda uga socday 6 maalmood oo ay uga hadlayeen Arrimaha doorashada.

Xafiiska UN-ka ee Somalia oo Qoraal soo saaray ayaa lagu sheegay   inay ku faraxsan yihiin in Golaha Wadatashiga gaaraan is afgarad ku aaddan in la caddeeyo habraaca doorashada iyo dardargelinta doorashada Golaha Shacabka.

Also Read
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo afka furtay

Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay inay aaminsan tahay in mudnaanta hadda la leeyahay ay tahay fulinta go’aamada, si loo gaaro natiijo la aamini karo oo si weyn loo aqbali karo.

Also Read
Madaxweynaha Pakistan oo laga helay Cudurka corona .

“QM waxa ay dhiirri-gelinaysaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay sii wadaan wada shaqayn ku dhisan niyad-sami, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara xiisado cusub ama khilaaf, ayna diiradda saaraan sidii loo gaari lahaa hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Qoraalka Xafiiska QM ee Somalia.

  

Latest posts

Dowladda Sacuudiga oo Safiir Cusub u soo magacaawday Soomaaliya

Iftiin FM Reporter

Askar ku eedeysan dil & Dhac oo maxakamadda la soo taagay .

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Biixi oo booqday dalka Itoobiiya

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi