QM oo amaan kala dul dhacday RW Rooble.

Hay’ada Qaramada Midoobey ee uu qaabilsan dalka Soomaaliya ee UNSOM ayaa bayaan ay soo saartay lagu soo dhaweeyey guddigii uu shalay Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Maxamed Hussein Rooble u magacaabay ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, inta lagu guda jiro doorashada dalka.

Also Read
Dagaal ciidamada Soomaliya iyo Al-Shabaab ku dhax maray ee Caasimadda Galmudug.

Bayaanka aka soo baxay Hay’ada Qaramada Midoobey ayaa waxa uu u lifaaqnaa sida tan;

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa magacaabista uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,13 xubnood oo ah guddi u qareemis, kaas oo ka shaqeynaya xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee kuraasta baarlamaanka federaalka ay haweenku ku yeelanayaan.”

Also Read
Madaxweyne Erdogaan iyo Madaxa Ururka NATO oo khaadka telefoonka kula wada hadlay

Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa waxa ay taageera buuxda ay uu fidineysa xukumadda Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale soo dhaweeysay kaqeybgalka haweenka Soomaaliyeed iyo matalaadkooda doorashooyinka soo socda ee dalka Soomaaliya.

Also Read
Boqorka Baxrayn Xamad Bin Ciise oo Ra'iisul wasaare cusub ee magacaabay .

Ra’iisul wasaaraha XFS Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood, kaas oo ka shaqeyn doona xaqiijinta qoondada haweenka inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka.

  

Latest posts

Dowladda Ruushka oo fariin uu soo dirtay dowladda Soomaliya

Iftiin FM Reporter

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka hadlay weerar ka dhacay Magaalada Beledweyne

Iftiin FM Reporter

QM oo ka hadashay gargaarkii ugu horeeyay lagaarsiiyay G.Tigreey

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi