Raila Odinga oo abaal marin la guddoonsiyey.

Hoggaamiyaha mucaraadka ee dalka Raila Odinga ayaa xaleyto la guddoonsiyey abaal marin weyn ee uu bixiyey urur  iskugu yeero Hekima Kaka Society.

Ururkani ayaa abaal marintani  siiyey Raila Odinga kadb markii ay sheegeen in  Raila Odinga uu muujiyey waddaniyad, xigmad, dulqaad iyo awood  sanadihii la soo dhaafay .

Xubnaha ururkani Hekima Kaka Society ayaa sida oo kale sheegeen in heshiiskii uu Raila Odinga uu la galay madaxweyne Uhuru Kenyatta  uu kaalin weyn ka qaatay mideynta kenyanka iyo dejinta xiisadda siyaasadeed ee dalka ka jirtay .

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga  oo xafladda lagu guddoonsiyey abaal marintani ka sheegay in uu sii xoojin doono mideynta iyo horumarinta qaaradda africa .

  

Latest posts

Raila Odinga iyo Okoth Obado oo khilaaf siyaasadeed uu ka dhaxeeyo

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyey xafladda qalin jabinta dhalinyarada NYSA-ta.

Iftiin FM Reporter

Wasaaradda caafimaadka oo ka hadashay daawooyinka Covid 19

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi