Raila odinga oo baaq nabadeed uu diray Kenyanka

Musharaxa madaxweyne ee isbaheysiga Azimio la Umoja Raila Odinga ayaa sheegay in uu doonayo in uu ka shaqeeyo nabadda  iyo mideynta Kenyanka .

Raila Odinga iyo siyaasinta Isbaheysiga Azimio la Umoja  ayaa waxay sida oo kale sheegeen in Kenyanka ay ku dadaaleen nabadda xilliga ololaha siyaasadeed ay dalka ka socdeen .

Siyaasinta isbaheysiga Azimio La Umoja ayaa waxay sheegeen in kenyanka loogu bahan yahay in ay dulqaad muujiyaan  islamarkana ay ka war sugaan guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee dalka 

Guddoomiyaha xisbiga ODM  John Mbadi ayaa dhankiisa  ugu baaqay Kenyanka in ay dulqaad muujiyaan oo ay ka warsugaan guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha ee dalka.

Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha ee dalka ayaa lagu wadaa in maalmaha inagu soo aadan uu ku dhawaaqo natiijada doorashada maadxweynaha  

Guddoomiyaha xisbiga ODM  John Mbadi ayaa sheegay in Kenyanka loogu bahan yahay in ay nabadda ka shaqeeyaan 

  

Latest posts

Hanti ku burburtay dab ka kacay magaalada Ilbisil Ismaamulka Kajiado

Iftiin FM Reporter

Barasabka ismaamulka kwale Fatuma Achani oo ka hadashay abaarta ka jirta deegaanada Ismaamulkaasi

Iftiin FM Reporter

Uurka gabdhaha iskuuleyda oo ku batay Ismaamulka Narok

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi